Ceelkii Galaadi
Sooyaal Halgan
Beschreibung des Verlags
Had iyo jeerba kii uu Ilaahay la jiro ayaa itaal roonaane Daraawiish maalinkaas guul weyn ayey hanatay, waliba guul aan ka bixi doonin baalashada dahabka ah ee Sooyaalka inta ay Soomaali ku dul nooshahay dhulka dushiisa.
Dhab ahaantii waa mid kamid ah qormooyinka gaagaaban ee ka waramaya halgankii loogu jiray curashada xornimada iyo la dagaalanka gumeystihii raagay. Waa Xasan Cawl iyo mid kamid ah sheekooyinkiisii af kala qaadka lahaa iyo wixii uu kala kulmay intii uu ku jiray halgankii xertii Daraawiisheed, waxa uu aad uga waramayaa inta goob la isku haleelay iyo guluf wixii kala gaaray Ingiriis iyo Daraawiish.